Go'aanka Xilka Qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Mustaqbalka Wadaxaajoodka Siyaasadeed
Soomaaliya waxa ay wajahaysaa xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, kaddib go’aanka xilka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo sii dhaawacay kalsoonidii dowladda iyo mucaaradka. Tallaabadani waxa ay khatar gelin kartaa wadaxaajoodka doorashada, xasilloonida iyo amniga dalka. Waxa lama huraan ah in dhinacyadu ilaaliyaan gogosha wadaxaajoodka, kuna gaadhaan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo muranka doorashada, khilaafaadka dastuurka iyoismaandhaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradkuay sii kordhiyeen hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka.
Maalmihii u dambeeyay waxaa socday dadaallo xooggan oolagu doonayay in dhinacyada siyaasadda dib loogu soo celiyomiiska wadaxaajoodka. Gogoshii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyay hoggaanka mucaaradka iyosaamilayda siyaasadda ayaa dhalisay rajo laga qabay in dowladda iyo mucaaradku yeeshaan kulan wadajir ah oo ay kagaarrinsadaan, kuna gaaraan heshiis ku saabsan qodobbadadoorashada ee weli la isku hayo.
Rajada laga qabay kulanka ayaa ahayd in dhinacyadu ka gaaraanheshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo lagu caddeeyohannaanka doorashada Madaxweynaha iyo BaarlamaankaFederaalka, jadwalka doorashada iyo dammaanadaha laguxaqiijinayo fulinta heshiiska.
Go’aanka xilka qaadista oo wiiqay kalsoonidii siyaasadeed
Hase yeeshee, go’aanka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu xilka kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, BaasheYuusuf Axmed, kuna magacaabay guddoomiye cusub, ayaayimid xilli dalka looga baahnaa dejinta xiisadaha siyaasadeed, dhisidda kalsoonida iyo dhiirrigelinta wadaxaajoodka u dhexeeya dhinacyada siyaasadda.
Go’aankaasi waxa uu dhaliyay muran sharci iyo mid siyaasadeed, kaddib markii Maxkamadda Sare ay 5-tii November 2026 ku dhawaaqday in xilka qaadista guddoomiyahaaanay sharci ahayn. Maxkamaddu waxa kale oo ay soo saartaygo’aan taabanaya muddo-xileedka hay’adaha federaalka, iyadoocarrabka ku adkaysay baahida loo qabo in heshiis laga gaarohannaanka doorashada.
Go’aanka xilka qaadista ayaa sidoo kale ka gudbay muranka u dhexeeya Madaxtooyada iyo Garsoorka, isaga oo saamayn kuyeelan kara kalsoonidii markii horeba liidatay ee u dhexaysaydowladda iyo mucaaradka.
Mucaaradka oo horeyba walaac uga muujiyay habka loo maamulayo wax-ka-beddelka dastuurka iyo diyaarintadoorashada ayaa tallaabadan u arki kara mid sii xoojinaysashakiga ay ka qabaan madax-bannaanida hay’adaha dastuurigaah iyo sida dowladda u maareynayso khilaafaadka siyaasadeed.
Dhinaca kale, dowladda ayaa go’aankeeda ku sababaysaybaahida loo qabo dib-u-habaynta iyo tayeynta maamulkagarsoorka. Hase yeeshee, marka la eego xaaladda siyaasadeed ee dalka, tallaabooyinka noocan ah waxa ay u baahan yihiinsharciyad cad, hufnaan iyo kalsoonida dhinacyada ay khuseeyaan.
Saamaynta ugu weyn ee arrintani yeelan karto ayaa ah in ay siiwiiqdo kalsoonidii yareyd ee laga qabay in wadaxaajoodka soosocda uu horseedi karo heshiis siyaasadeed. Kalsoonidaas oomarkii horeba jilicsanayd ayaa hadda wajaheysa caqabad horleh.
Halisaha ka dhalan kara ismariwaaga siyaasadeed
Khilaafka doorashadu kuma koobna oo keliya cidda hoggaaminaysa dalka, balse waxa uu sidoo kale saamayn toos ah ku yeelan karaa xasilloonida siyaasadeed iyo amniga qaranka.
Haddii wadaxaajoodku qabsoomi waayo ama uu ku dhammaadonatiijo la’aan, khilaafka siyaasadeed ayaa isu beddeli kara iskahorimaadyo cusub, kala qaybsanaan hay’adaha dowladda iyomuran hor leh oo ka dhasha sharciyadda dowladda.
Xiisadaha siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka jiraBeledweyne, iyo khilaafaadkii hore uga jiray Koonfur Galbeed, ayaa muujinaya sida khilaafaadka siyaasadeed ay ugu gudbikaraan dhinaca amniga, una abuuri karaan xaalado amni oocakiran.
Dhanka kale, Soomaaliya waxa ay wajahaysaa isbeddel kusaabsan joogitaanka ciidamada Midowga Afrika, iyadoobixitaanka qaar ka mid ah ciidamada Uganda uu durbabilaabmay. Arrintani waxa ay sare u qaadaysaa baahida loo qaboqorshe amni oo cad, si looga hortago in uu abuurmo firaaq amnioo ay kooxaha argagixisadu ka faa’iidaysan karaan.
Haddii isbeddellada amni ay ku soo beegmaan khilaafsiyaasadeed oo aan xal laga gaarin, waxa halis geli kara isku-duwidda ciidamada iyo wadajirka hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, taas oo sii adkayn karta dagaalka muddada dheer ee lagula jiro kooxdaas.
Sidaas darteed, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oodegdeg loo gaaro ma aha oo keliya mid lagu xallinayo murankadoorashada, balse waxa uu sidoo kale muhiim u yahay sugiddaamniga, xoojinta xasilloonida iyo ilaalinta dowladnimada.
Heshiis siyaasadeed iyo xasillooni qaran
Si looga hortago in xaaladda siyaasadeed ay ka sii darto, waxaamuhiim ah in dowladda iyo mucaaradku aanay baajin gogoshawadaxaajoodka, balse ay ka dhigaan madal lagu raadiyo heshiisdhab ah. Mudnaanta koowaad waa in la isku raaco qodobbadaaasaasiga ah ee hannaanka doorashada, gaar ahaan doorashadaMadaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka. Sidoo kale, khilaafka ka dhashay xilka qaadista GuddoomiyahaMaxkamadda Sare waa in lagu xalliyaa hannaan sharci ah ooilaalinaya madax-bannaanida garsoorka iyo kalsoonidahay’adaha dastuuriga ah.
Dhanka kale, dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyaduwaa in ay ka fogaadaan adeegsiga awoodda ciidan ee laguxallinayo khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana ay qaadaantallaabooyin lagu dejinayo xiisadaha amniga. Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in la diyaariyo qorshe cad oo laguxaqiijinayo in ciidamada Soomaaliyeed ay si habsami leh ula wareegaan masuuliyadaha amni marka ciidamada MidowgaAfrika baxayaan, si looga hortago firaaq amni oo ay kooxahaargagixisadu ka faa’iidaysan karaan.
Ugu dambayn, Soomaaliya maanta waxa ay u baahan tahayheshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo ka horreeyatallaabo kasta oo sii fogayn karta dhinacyada siyaasadda. Go’aanka xilka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu sii wiiqay kalsoonidii markii horeba jilicsanayd, haseyeeshee weli waxa jirta fursad lagu sixi karo jihada ay wax u socdaan. Dowladda federaalka waxaa saaran masuuliyad gaar ah oo ah in ay abuurto jawi horseedi kara heshiis, halkamucaaradkana looga baahan yahay in uu door muuqda ka qaatoxal raadinta. Wadaxaajoodku ma aha oo keliya doorashosiyaasadeed, balse waa baahi qaran. Haddii dhinacyadu kuguuldarraystaan in ay heshiis ka gaaraan mustaqbalkadoorashada, waxa khatar geli kara wax ka weyn doorashadalafteeda: xasilloonida, amniga iyo jiritaanka dowladnimadaSoomaaliya.
Faallooyinka
Weli faallo lama hayo. Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ka bixiya.
Maqaallo La Xiriira

Heshiis Bulsho Cusub: Furaha Mustaqbalka Dowladnimada Soomaaliya

Mustaqbalka Baydhabo: Maxaa Ka Dhalan Kara Isbeddelka Maamul?

Soo laba kacleynta Al-Shabaab: Maxay ku keeni kartaa mustaqbalka Soomaaliya?

Caqabadaha Hirgelinta Federalism-ka Soomaaliya: Falanqayn Cilmiyeed

Puntland 27 Sano Kadib: Horumarka, Caqabadaha Siyaasadeed iyo Xalka Mustaqbalka

